TODOBO ARIMOOD OO AAN HABOONAYN INAA SAMAYSO MARKAA WAX CUNTO



Waxaa jira #7arrimood oo aan habooneyn inaad sameyso kadib markaad wax cuntid . Waxyaabahaasi qaar waxa keeni Kara caafimaad darro haddii aad sameyso wax yar kadib cuntada gaar ahaan xilliyada cunta culus ( sida , quraacda , qadada , ama cashada) ....??


1= Ha cabin shaah cuntada kadib maxaa yeelay ??? Shaahu wuxuu leeyahay Acid marka haddii shaaha la Cabo cuntada dabadeed , waxaa dhacda in Borontiinka proteins ka aynu qaadano uu ku dhib noqdo dheefshiidka , waayo proteins ka ayaa noqda mid qallafsan oo adag , sidaa awgeed  waxa wacan in ugu yaraan saacad cuntada kadib shaaha la cabbo.


2 = Ha cunin qudaarta / midhaha / fruits ka isla marka aad wax cuneyso  kadib dhakhaatiirtu waxey dadka kula dardaarmaan in ay qudaarta cunaan , waxaase had iyo jeer ilooban in ay u sheegaan oo talada ay u raaciyaan waxyeelada caafimaad ee ay leedahay haddii cunta kadib la cuno, waxaa haboon in qudaarta la cunno cuntada horteed......


3 = Haddii khudrada ( marka laga reebo timirta iyo mooska )  la cuno kadib marka la cunteeyo waxay taasi gaas ku sameysaa caloosha , sidaaadarteed waxaa haboon in khudrada muddo saacad ah ama in ka badan laga dambeysiiyo cuntada......


4 = Ha cabin sigaarka kadib marka aad cunteyso . Shaki Kuma jiro in sigaarku marwalba  uu caafimaadka waxyeeleyo uu leeyahay , Lakin haddii aad sigaar ka cabto cuntada dabateed xabadda qudha ee sigaarka ah , waxay la waxyeelo tahay oo ay u dhigantaa 10 xabbadood oo sigaar ah , sidaa awgeed haddii aad sigaar cabtid cuntada kadib waxaa sii kordha  oo laba jibaarma halista aad ugu jirto I inuu kugu dhici karo xanuunka cancerka .


5 =  Ha SEEXAN  , cuntada dabadeed . Maxaa yeelay ??? Nafaqooyinkii ku jiray cuntadu ma helayan dheefshiid wanaagsan , hadii aad took u tagto sariirta  cuntada kadib taasi waxey kuu keeni kartaa boog_ calooleed  ( stomach ulcers) iyo infakshin xiidmaha ku dhaca ( intestinal infection).....


6 = Hurdada deg dega ah ee xiliyada cuntada kadib waxey kaloo sababataa miisaankaaga oo cuslaado ama buurmi xad dhaaf ah ( Obesity) wax kaloo aad sameysaba ( Ha ahaato inaad T v GA  daawato ,inaad wax akhrisato ama aad asxaaptada la sheekeysato ( inta cuntadu kugu jajabeyso  ilaa 2 saacadood kadib ...


Duhurkii xogaa herer Haddad qado ka soo tuurto hurdo laguma taamee naftaada hala tacaalo ..... iga talo......


7 = Ha Meydhanin ( Ha Qubeysan ) cuntada dabadeed ,waayo ??? Haddii aad meydhato cuntada kadib , taasi waxey kordhisaa socodka dhiigaaga ee gacmaha iyo lugaha taasoo keenta inuu isdhimo socodka dhiigaga agaarka caloosha kadibna uu daciif hab dheefshiidku waxaa kale oo taasi sababi Kara xanuunada ku dhaco wadnaha sida haboobni waa in meydhashada aad suggto muddo 30 daqiiqo ah kadib marka aad cunteyso Ha iska dabcin ama ha iska furin suunka cuntada dabadeedd.......



W/ Q Dr OMER PHARMA

Comments